DULQAADKA ( الصبر)

W/Q: ALI ABDILLAHI AHMED (BEERXOOD)

Dulqaadka/Sabarka wuxuu Leeyahay Faa’idooyin Tiro Badan, lkn Cid walba wey ka warqabtaa in aanay fududeeyn had & goor inaad Dulqaadatid.

“Sabarku waa wadada Guusha

Ali Abdullahi Ahmed

Waxaan Rabnaa inaan ogaano sidaan ku hormarin karno Dhaqankaan wanaagsan & saameenta uu ku Leeyahay Aduunkaga & aakhiradada.

Qof walpa oo Muslim ah wuu ogyahay Wanaagga & Muhiimadda uu Leeyahay SABARKA, Maxaa yeelay ALLAH (sw) wuxuu inoo ku sheegay Quran’kiisa ” inaan kaalmeysano sabarka & salaada ALLAH-na uu La jiro mar walba kuwa sabra ” (Suratul Baqrah ayada’153),

Markaa Sabirka ama dulqaadashadu maaha in aad xili kasta isku si tahay, taasi waa mid awoodeena ka baxsan kumana jirto, sida ay dabeecada biniaadamku u abuuran tahay. In aan ku jiro waqti farxadeed way ka fiican tahay in lagu jiro marxalad qalafsan oo tiiraanyo leh, sida uu nabigeenu N.N.K.A ku yidhi ducadiisii caanka ahayd; “Hadii aanad Allahayow ii cadhoonayn , waxba ma aha dhibka i soo gaadhaa, waxaanse wadayaa ducadadaada iyo u hilowgaaga. Taasina kama hor imanayso xadiiska odhanaya; Qofna ma jirto wax la siiyay oo ka wayn Sabir ama dulqaad waxaana la helaa xilli uu qofku la kulmay imtixaan nolosha ah oo lagu tijaabiyay.

sidoo kale waxaad Heleysa Muxaadarooyin & buugaag badan oo ka Hadlaya sabarka, inta badan Dadka Caqliga leh waxay nagu waaniyaan inaan wax badan sabarno si aan u Gaarno Guusha.

Waxaan sidoo kale arki karnaa Qisadaan la yaabka leh, oo nolosha dhabta ah kuna saabsan Faa’idada sabarka –

Aabe ayaa waxaa ka Geeriyootay Hooyadii Reeka dhashay, waxaa eyna ka tagtay 5 Gabdhood isla markaana aabuhu isagaa hooyo iyo aababa u ahaa.

Gabdhihii ayaa waxaa soo doontay 4nin, aabihii wuxuu go’aansaday inuu u kala guuriyo gabdhaha sida ay ukala wenyihiin balse gabadhii ugu weyneed ee curudka reerka eheed ayaa diiday arinkaas, waxaa eyna tiri ma guursanayo aabahay oo waayeel ah hooyadeyna dhimatay ilaa reerkan aan maamo ugu noqdo yacnii cidda anigaa u weyn waxaana waajib isaaran ah inaan aabahay meel ku ogaado.

Gabdhihii kale ayaa loo guuriyay nimankii soo doontay halka gabadhii weyneyd ey ku hartay aabaheed oo u baahnaa xanaano iyo qof ogaada.
Muddo ka dib aabihii waxaa soo wajahay xanuunkii geerida waxa uu bilaabay inuu isugu yeero gabdhihii kale oo niman qabaan inay ka yimaadaan reerahooda si uu ugu dardaarmo, odaygu waxaa uu ku dardaarmay sidatan “yaan la iibinin Gurigan ilaa walaashiin idinka weyn ey hesho meel ey u dhaxdo bimacnaa ilaa ay guursato”

Aabihii markuu geeriyoday gabdhihii wexey go’aan ku gaareen inaanay hadalka dardaaranka aabuhu qaadan ee guriga iibsadaan iyagoo aanan dan iyo muraad toona ka lehen gabadhan walaashood ah oo aabaha dartii iyo ricaayada guriga u diiday iney guursato oo ka dhex baxdo reerka iyagoo aanan u aabo yeelin meesh ay walaashood ku hoyan doonto maadaama gurigan qof kale iibsanaayo iyaguna mid walba ay gurigeeda aaddo kadib markii ay qaadato qeybtii dhaxal ahaan u soo gaartay.

gabdhii dulmaneed ayaa wexey la xiriirtay Ninkii guriga laga iibinaayay wexeyna ugu sheekeysay qisada iyada iyo reerkooda dhex martay wuxuuna ku yiri  ” korkaaga dhib ma ahaan doono insha Allah”

Waxaa la iibiyay gurigii dhaxalkiina waa la qeybsaday balse xageey ku dambey doontaa miskiintii ilaahay mooyaanay aan cidkale u wehel ehen?.

Muddo yar ka dib waxaa gabadhii soo wacay ninkii taajirka ahaa ee guriga iibsaday iyadoo awal ka dalbatay inuu xoogaa guriga usii daayo intey hoy ka heleyso, gabadhii markey aragtay wicitaanka ninka aad ayey u cabsatay iyadoo moodday in guriga laga bixinaayo wexey ku tiri” iga raalli noqo walal ii cudur daar wali ma helin meel aan hoy ka dhigto”

Wuxuu ku yiri” dhib malahan aniga arinkaas kuuma soo wicin lkn waxaan kuu soo wacay inaan ku gudoonsiiyo sabarlooga guriga si aan meher kaaga dhigo, hadaad doontid waad aqbali kartaa inaan noqdo zowjkaaga, hadii aad doontidna gurigaaga waad isaga laaban kartaa labada xaaladba guriga adigaa iska leh “

Gabadhii wey oysay wexeyna ogaatay in ilaahay uusan dayaceynin camalka muxsiniinta, Kadib Wey ka aqbashay gurkii wexena kula noolaatay ninkii taajirka ahaa nolol wanaagsan oo qurux badan waxeyna Heshay Nin_wanaagsan & Gurigii_Aabeheed.

source: Abdiaziz Omar Da’ud

Qeyr walbaa oo aad sameyso ilaahay camalkaaga ma dayacayo, ALLAH ayaa Quran kiisa inoo ku sheegay “kuwa Sabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab la’aan, (Suuradda az-Zumar:Aayadda 10).

Wanaaggu ma gaboobo
Dambiguna lama illoobo
Deymuhuna ma tirmaan
Sidaad u dhaqantid ayaa laguula dhaqmayaa adigana

Shan Nooc oo Sabir ama Dulqaadasho

Sabirka waxa kale oo loo qaybin karaa shan qaybood inagoo ka eegayna shanta nooc ee dhaqanka ama ficil loo sameeyo kuwaas oo kala ah;

Waajib (Obligatory),
Ku dhiirasho (encouraged),
Mamnuuc (forbidden),
La kohdo ama la dhibsado (Disliked),
La ogol yahay (Permissible)

Waajib
Sabirka ah in laga fogaado ama la iska daayo waxyaalaha iyo ficilada xaaraanta ah ama dembiga ahSabirka ama u adkaysiga ah fulinta amarada waajibka ahSabirka ama u adkaysiga maraxalad ku soo waajahday oo ka baxsan awoodeena qof ahaaneed sida xanuunka, faqriga, IWM.

Ku dhiirasho
Sabirka lagaga fogaanayo waxyaalaha la dhibsadoSabirka ama u adkaysiga in la sameeyo camalo wanaagsan iyo cibaadaysi la jeclaystoSabirka ah in la qaadin talaabooyin aargoosasho ah

Mamnuuc
1. Sabirka Lagaga fogaanayo cuntada, cabista ilaa xilliga geerida


2. Sabirka lagaga fogaanayo cunista hilibka xaaraanta ah, bakhtiga, dhiiga marka aanay jirin wax kale oo la cuno tahayna in gaajo loo dhinto. Tawis iyo Axmed Binu Xambal AHUN ayaa yidhi; qof kasta oo aan doorasho kale lahayn helayana cunto ahaan bakhti, hilib xaaraan ah ama dhiig, laakiin diida inuu cuno dabadeed sidaas ku dhinta waxa uu galayaa cadaabta

3. Sabirka lagaga fogaanayo in la tuugsado ama la baryo dadka xishood la,aan (il-xayiignimo ah).waxa jirta muran ku saabsan baryida dadka in la ogol yahay iyo in aan la ogolayn.

Imaam Axmed AHUN wuxu yidhi; Sabirka iyo adkaysiga noocan ah waa la ogol yahay. Waxaa la waydiiyay, ka waran hadii qofku ka cabsi qabo inuu dhimanayo hadii aanu tuugsi samayn?
Imam  Axmed AHUN Waxa uu ku jawaabay, Maya, Uma dhimanayo. Ilaahay ayaa u soo diraya risqigiisa.
Imam Axmed AHUN muu ogolaan tuugsiga marka ilaahay ogyahay duruufta iyo baahida qofka iyo niyadiisa fiican ee ah iska daynta tuugsiga ama baryada, sidaas ayaa ilaahay risiqiisa ugu soo dirayaa. Culimo kale oo ay ka mid yihiin Imam Axmed ragii la jiray xiligaas oo uu ka mid ahaa Imamu shaafici AHUN ayaa yidhi;

”Waa waajib in qofkaasi uu baryootamo ama tuugsado, hadii uu tuugsan waayo waxa uu noqonayaa xumefale ama dambiile sababta oo ah tuugsiga ama baryada dadka ayuu kaga ilaalin karaa geeri ay naftiisa u horseedo gaajadu.”

4. Sabirka ah in loo adkaysto dhib kaa soo gaadha waxyaalaha keena dhimashada sida dhagarta, qaniinyada maska, dabka iyo biyaha.

5. Sabirka lagaga fogaanayo xiliyada imtixaanka (fitnada) ee dagaal ka dhaxeeya dad muslim ah oo is dilaya si aanad uga qayb qaadan dhiiga muslimka isku daadanaya in sidaas la yeelaana waa si la jeclaysto, sida Nabigeenu N.N. K. A mar la waydiiyay uu yidhi; “waxaad jeclaataa in aad la mid noqoto ka fiicnaa labadii wiil ee nabi aadam”.

Xadiis la mid ah kan waxa uu ku yidhi; waxaad doorataa in aad noqoto adoonkii ilaahay ee la dilay hana noqonin kii wax dilay. Markaas ka wax dilay waxu uu isku qaadayaa oo garbaha u ridanayaa denbigiisii iyo kuu dilay danbigiisii labadaba.

Ilaahay ayaana inoo sheegay labadii wiil ee Ilma aadam sida ay kala ahaayeen iyo midka fiicnaa iyo siduu isu difaacay ee aanu ula dagaalamin walaalkiisii dilay iyo sida ilaahay u amray sidaas. Tani way ka duwan tahay marka islaamku la dagaalamayo gaalada; marxaladaas waxa muslimiinta la gudboon in ay is difaacaan, sababta oo ah jihaad wax kale maaha ee waa in aad naftaada difaacdo iyo diintaada.

La dhibsado
Sabirka lagaga fogaanayo dhadhamada muuqda sida cuntada, cabista iyo galmada kuwaas oo caafimaadka qofkana Qatar galiya.Sabirka lagaga fogaanayo samaynta xumaanta iyo ficilada xun

La ogol yahay
Sabirka lagaga fogaanayo waxyaalaha la ogol yahay ee mubaaxa ah.

Sabarka ama dulqaadku waxaa loo qaybin karaa laba,

markaan si kale u eegno. Labadaas nooc oo kala ah

1: Mid muuqda (physical) iyo
2: Mid Nafsaawi ah (Pyschological)

Labaduba doorasho ama doorasho la’aanteed waxa ay noqon karaan sidan;

1: Sabirka muuqda ee doorashada ku yimaada waxa ka mid ah shaqo aad qabanayso adigoo jecel

2: Sabirka muuqda ee aan doorashada lahayn waxa ka mid ah xanuun kugu dhaca oo kale ama kulayl ama qabow xoog leh oo ku saaqa

3: Sabirka Nafsaawiga ah ee doorashada qofka ku yimaada waxa ka mid ah ka fogaanshiiyaha macsida ama waxa xun ee dhaqan ama diin ahaan aan banaanayn


4: Sabirka nafsaawiga ah ee aan doorasho lahayn waxa ka mid ah burburka ku dhaca qoys is jecel sida furiinka nin iyo xaaskiisa oo is jeclaa si khasab ah ku kala tageen.